X

Cadaadis kadib beesha dhexe oo dib uga guranaysa deegaanada Lughaya laakiinse ku hayndoonta cunaqabataynta

Maamulka beesha dhexe ee magaalada Hargeysa oo iyagu ka faaiidey magaca Iyo maamulka ay ula baxeen Somaliland ayaa cadaadisyo kaga imanaya gudaha Iyo dibedda ka tanaasuli doonta in ay ka diiwaangeliso dad Hargeysa ka yimaada deegaanada teedsan Lughaya ee Samaroonku dego.

Hamiga ah in ay degaan xeebta Lughaya ayaanan soo bilaaban hadda laakiin soo bilowdey burburkii dawladii Somaliya.

Beesha Samaroonka bariga Iyo Koofurta Awdal soo dhaweeyaan ee Isaaq ayaa faraha looga qaaday deegaano barwaaqo ah sida Caada oo u dhow Gabiley Iyo deegaano ay xoog Ku qabsadeen dagaalkii Iyo xilligii burburka, waxayna is yiraahaan waad Ku socon kartaan doqmaha aad jaarka tihiin.

Maadaama ay ka hadli waayeen deegaanadaas hore, waana ta keentay in ay hore u soo durkaan iyagoo heshiis beena la galaya Ciisaha.

Xaalada hadda ka jirta deegaanadaas ayaa kacsan inkastoo Maxamuud Xaashi geeyay askarta Ingiriisku u tababaray ee RRU halkaas.

Waxayse sheekada deegaanada Lughaya Ku soo afjarmaysaa in Isaaqu dib u gurto iyagoo eegaya ictiraafka ay raadinayaan laakiin aan fiirinayn hadalada ka soo yeeraya odayada Iyo dhalinta deegaanka waayo dhul hore ayay haystaan oo ay rabaan in ay xalaashadaan.

Mana hadhayaan ilaa ay ceel Ku hubsadaan lixdaa goobood halka odayada deegaanku taagan yihiin lixda goobood waa Lughaya iyadoo aanay jirin handadaad ay Ku meelmarinayaan go’aanadooda.

UGu dambeyn waxay ujeedadu tahay hadda waanu ka tagney laakiin way noo xirnaan doonaan, Iyo iyagoo la yimaada in cod aan jirin oo lixdaa goobooda lagu daro deegaanada kale ee Isaaqa sidey hadaba sheegaan in codka lixdaas lagu darayo Ceerigaabo.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.