X

Cadaalad rasmi ah oo la helo waxay keenaysaa dalka oo gala xasilooni: Xildhibaan Dalxa

Fanaanka ahna xildhibaan Prof Maxamed Cumar Dalxa ayaa sheegay in dalka oo laga helo cadaalad saxa ay keeni karto deganaansho iyo kala shiki la,aan. Dalxa ayaa sheegay in cadaalad darada awgeed uu dalku ku jir xaalad adag.

Shacabka Soomaaliyeed inay taageeraan dowladda Federaalka Soomaliya ayuu sheegay inay imaan karto marka la helo cadaalad rasmi ah oo Bulshada si siman u wada deeqda.

Madaxda dalka ayuu ugu baaqay in looga baahan yahay in mar walba ay u caddaalad falaan dadka Soomaaliyeed si nidaam rasmi ah loo helo, balse aysan wanaagsaneyn in cadaalad daro lagu dhaqmo.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.