X

Cadaalad xumada Maraykanka: nin 36 sano u xidhnaa 50 doolar oo la sii daayay

Nin Madow ah ayaa dalkaasi Maraykanka u xidhnaa 36 sano kadib markii uu xadey 50 doolar. Ninkan ayaa ahaa 18 jir markii lagu helay dembiga xadida 50 doolar. Waxa lagu xukumey xabsi daaim. Sharciga loo cuskadey ayaa lagu sheegay sharciga loo yaqaan ku noqoshada fal dembiyeedyada.


Mid ka mida sharcigaas ayaa dhigaya in qofkaas la xiro ugu badnaan 99 sano ugu yaraana 15 sano. Ninkan oo dhowr mar ku noqnoqdey tuugnimo iyo weliba haysasho hanti dad kale ayaa sharcigani ku dhacay.


Wuxuu soo liqay 36 sano hadda oo uu yahay 58 sano ayaa xariga laga sii daayay markii asxaan loo falay. Ninkan madow ayaa sheegay inuu hadda la noolaan doono qoyskiisa kana shaqayn doono isku xidhka looxaanta.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.