X

Cadow laba Afle ayaa haysta Ceelcade…fartii Amiin Caamir

Sawir gacmeedkaani lagu muujinaayo dhibta heysata shacabka Gedo, ayaa waxaa lagu muujinayaa arxan darida ciidamada Kiiniya iyo dhiigmiiratada argagixisada la baxdey shabaab.

Shacabka Gedo ayaa dhaxda u galay laba dhinac oo ka siman arxan daro kuwaas oo u tartamaaya daadinta dhiiga shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku nool Gedo.

Ciidamada Kiiniya oo carro ka muujinaaya xasuuqii loogu geystay Gedo ayaa toogasho bareer ah ku dilaaya dadka shacabka ee ku nool qeybo kamid ah Gobolkaasi, halka dhiigmiiratada argagixisada la baxdey shabaab ay dhankooda ka ugaarsanayaan. shacabkaasi.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.