Ciidamada Puntland ayaa hada si buuxda u maamulaya gacan ku haynta Degmada Qandala, iyadoo Daacish ay u firxadeen deegaano ku dhaw Degmada Qandala.
Wasiirka Qorsheynta Maamulka Shir Xaaji Faarax ayaa sheegay in howlgalkii lagu xoraynayay Qandala ay ku dileen 30 maleeshiyaadka Daacish, in ka badan 35 kale ay dhaawacmeen. wuxuuna sheegay in dhinacooda ay soo gaartay dhaawaca 5 askari, oo laba ka mid ah u soo gaaray dhaawac culus.
“Waxaa halkaa ku dhintay 30 iyo 35 dhaawac ah, saddexdii baabuur ay isticmaali jireen waa qabanay, oo kii u dambeeyay maanta ayaanu meel 20km u jirta magaaladda ayaanu ku qabanay.” ayuu yiri Wasiirka
Wasiirka wuxuu kaloo sheegay in firxadkii maleeshiyadii qabsaday magaaladda ay u carareen degaanka gurur oo 60-km u jirta Degmadda Qandalka.
“Firxadkoodii waxay u carareen gurur iyo casha, oo meelihii aanu soo dhaafnay ayay u wareegeen, oo dadkii deegaanka ayaa noo sheegay dhaawacyada ay wateen.” ayuu yiri, wasiirka qorshaynta iyo xiriirka Puntland oo sidoo kale sheegay inaysan jirin wax maxaabiis oo daacish oo lagu qabtay howlgalka.
Ciidamada Puntland ayaa saaka Degmada Qandala ka wada howlgalo ay amniga ku xaqiijinayaan, inkastoo deegaanka uu yahay mid faaruq ah oo badi dadkii halkaasi deganaa kol hore ay isaga barakaceen.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS