Cali Khaliif oo maamulka Somaliland isku dhiibey ayaa soo gaadhey Boorama ilaa Camuud. Cali Khaliif iyo Siilaanyo ayaa ka wada baxay Camuud waxayna yihiin saaxiibo dhow.
Cali Khaliif oo maalmahan ku sugnaa Hargeysa ayaa maamulkiisu ku kala jaban yahay wadahadalka u socda iyaga iyo Somaliland inkastoo aad hadda moodo in Cali Khaliif ka dheereeyay.
Waxa isla maanta Cali Khaliif Boorama u raacay Faysal Waraabe oo wararku sheegayaan in Cali Khaliif ku biirayo xisbigiisa taas oo aan la fileyn.
Dhinaca hogaamiyaha Jaamacada Camuud ayaa sheegay in Cali Khaliif magaca u bixiyay huteelka caanka ah ee Harawo ee bartamaha magaalada.
Booqashada Cali Khaliif ayaa u eg mid uu ku soo arkayo jaamacada iyo saaxiibo uu Awdal ku leeyahay ee laakiin ayna ahayn mid siyaasadeed.
Waxa gudoomiyaha Camuud sheegay in uu joogayo magaalada oo laga casuumay.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS