X

Cali Khaliif oo sheegay inuu Muqdisho u socda iyo ujeedada

Horjoogihii ururkii Khaatumo garabkiisa Hargeysa ee Cali Khaliif Galaydh ayaa sheegay inuu Muqdisho u socdo Una tagaayo safar isaga u gaara. Cali Khaliif ayaa sheegay in Arin isaga u gaara uu u tagaayo oo siyaasad Ka madax banaan.

Muqdisho ayaa lagu khuukhiyaa dadka jooga Hargeysa iyo Burco loogana dhigaa Dal shisheeye. Waxase cajiiba in horjoogeyaasha maulka Somaliland u Kala horeeyaan Muqdisho markey dantooda timaado.

Cali Khaliif ayaa ku fashilmey siyaasada ayadoo beeshiisa hadda u Kala jaban tahay sadex qaybood oo inta badan wada dagaalama ama kolba dhinac u carara.

Waxa la sugaa inuu soo noqdo iyo in kale iyo Muuse Biixi Hargeysa u sheegto.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.