Madaxweynaha maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galeyr ayaa cod dheer ku sheegay in Dowlada Somalia iyo Maamulka Puntland ay u midoobeen tirtirida Shacabka ku hoos nool deegaanada Khaatumo.
Galeyr waxa uu tilmaamay in Madxaweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud uu waxbadan kala socdo dhibta ay Puntland ku heyso shacabka Khaatumo, iyada oo ay taa taagan tahay hadana xuquuqda maamulka Khaatumo hoos geeyay Puntland.
Cali Khaliif waxa uu sheegay in Khaatumo xiligaani iyo wixii ka danbeeya aysan u baahneyn xilal loo soo mariyo Puntland, waxa uuna cod dheer ku sheegay in xilalka loogu tallo galay Khaatumo uu C/wali Gaas siiyo reerkiisa, islamarkaana Khaatumo ay Siyaasada iminka taagan banaan joog ka tahay.
Khaatumo ayuu sheegay inay ka hormari la’ dahay Puntland waxa uuna sheegay in C/wali Gaas uu dhaqaale adag ku bixiyo sida lagu kala geyn lahaa Siyaasiyiinta iyo Shacabka Khaatumo, hayeeshee waxa uu carab dhabay in Khaatumo ay goor hore arrintaasi ka gaashaamatay.
C/wali Gaas ayuu sheegay inay ku fog tahay reer jecleysiga sidaa aawgeedna ay mudan tahay in Xildhibaanada Khaatumo ay ku lahaan laheyd Baarlamaanka Cusub uu ku biirsado kuwa uu siin lahaa reerkiisa, Khaatumana ay ka dhantahay xilal ay DFS usoo mariso Puntland.
Haddalka Cali Khaliif ayaa kusoo beegmaaya xili dhawaan Khaatumo ay shaacisay inay xiriirka u jareen DFS.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS