X

Calooshood u shaqaystayaal Erduqaan soo direy ayaa noo dagaalamaya: Siraaj Liibiya

Raiisal wasaaraha uu taageero Erduqaan ee Liibiya Siraaj ayaa sheegay in calooshood u shaqaystayaal Siiriyiina kana tirsan ururka akhwaan muslimiin ay ka barbar dagaalamayaan. Maamulka isku dhafka ee loo soo gaabiyo GNA ee lagu hareeraysan yahay caasimada Liibiya ayaa ku taagan hubka iyo taageerada uu ka helo Erduqaan.


Turkiga ayaa hub iyo calooshood u shaqaystayaal isugu daray kooxda akhwaan muslimiin ee fadhida qaybta yar ee caasimada dalkaasi ee Tiriboli. Welli Carabtu waxay daawanaysaa waxa Erduqaan ka wado Liibiya markuu soo cuney laakin ku fashilmey Siiriya oo uu rabay inuu ka dhaliyo dawlad akhwaana oo isaga hoostagta ayuu yiri Xuseen Warsame.


Calooshood u shaqaystayaashan Siiriyiinta ayaa intooda badan laga keenay gobolka Idlib ee Erduqaan diidey inuu ku wareejiyo Siiriya oo inteeda badan laga sifeeyay dhiigmiiratadii wahaabiyada ee Daacish iyo akhwaankii Erduqaan watay.

ā€¯Qirashada kooxda Siraaj ee Tiriiboli waxba ma kordhinayso kadib markii daraad Turkigu ku faanay inuu burburiyay hub yaalay saldhig duuga oo ciidanka jeneraal Khaliifa Xaftar isaga baxeen.


Jeneraal Khaliifa Xaftar oo Liibiya u fiican maadaama uu gacan bira ku qaban doono ayaa hadda ka taliya Liibiya inteeda badan aan ka ahayn deegaano hoostaga caasimada.

Rashiid Ceelaany

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.