X

Camey oo daboolka ka qaaday war naxdin ku ah ummada Somaliyeed

Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa qarxiyay sheegayna in argagixisadii lagu soo qabtey Suuj ee gobolka Mudug in la sii daayay. Talaabadan ayaa dhabarjab ku ah ummada Somaliyeed oo shalay oo u dambeeyay ay kooxda gaalayntu ku xasuuqdey dad gaaraya 20 magaalada Muqdisho.


Camey oo maanta hadal ka jeediyay Jaamacadda Bariga Afrika ee Magaalada Garowe ayaa sheegay qaar badan oo ka mid ah kooxdaasi gaaleynta in la sii daayay, qaarna dil lagu xukumay, balse wali aanan la toogan.


Wuxuu sheegay arrintaasi inay muujinayso siyaasad xumo, maadaama argagixisadu u bareertay inay weeraraan Puntland kuwii laga qabtayna la sii daayay, qaarna wali xabsiyada lagu haayo.


Labada kooxod e gaaleynta Muslimiinta ee Shabaab iyo Daacish ayaa ka dagaalama gobolka Bari waxana markasta ay fuliyaan dilal qorsheysan ayagoo ay maalgeliyaan wahaabiyada Sucuudiga iyo Imaaradka.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.