X

Carabka shirkada Dubay World oo yasay hadalkii RW Xasan Cali Kheyre

Carabka shirkada Dubay World ayaa yasay hadalkii RW Xasan Cali Kheyre. Carabkaas oo la hadlaayay telefishanka gobolkiisa Dubay ayaa sheegay inay macno daro tahay hadalkii RW Xasan Cali Kheyre.



Shirkadan oo isticmaalaysa kharaashaadka saliida ayaa ka dakhli weyn Somaliya oo dhan waana ta keentay inuu sidan kibirka ah u hadlo.



“Nama quseeyo waxa ay leedahay dowladda federaalka, somaliland waa dowlad madax banaan 28 sano, waa meel xasilooni oo dimoqraadiyad ka jirto, mashruuceena wuxuu helay ogolaanshaha baarlamanka somaliland, ma awoodi karto inay xukuumadda Federaalka wax bedesho ama hadalo ay jeediyaan oo aan u joojineyno ma jirto”ayuu yiri Agaasimaha DP World oo la hadlayay warbaahinta Imaaraadka Carabta.



Lama garan karo talaabada xigta ee dawlada Somaliya qaadi doonto iyo inay halkaa kaga hari doonto.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.