Carabta Salafiyiinta ee Sucuudigu ugu horeeyo ayaa xiriirka u jaray akhwaanka Qadar. Urur diimeedka Salafiyiinta ee ku faafaya wadamada fiqiirka ah ee Muslimiinta ayaa eedeeyay ururka akhwaanka e ka taliya Qadar.
Urur diimeedka akhwaan Muslimiin ayaa ka dagaalama Siiriya waxana taageera Turkiga iyo Qadar oo labada ay ka taliyaan akhwaanku. Carabta Sucuudigu ugu horeeyo ayaa ku darsadey Masar sheegayna in ay Qadar u jareen xiriirka.
Waxay ku eedeeyeen Qadar in ay taageerto ururada argagixisada sida shabaab, taalibaan iyo kuwo kale. Qadar ayaa sheegtay in ay Somaliya ka caawinayso sidii ay ula hadli lahayd argagixisada xasuuqey boqolaal kun oo Somali ah.
Sucuudiga oo taageera argagixisada ugu xun ee Salafiyiinta/Daacish/Shabaab/Talibaan ayaa warbixin ku sheegay in ay wadamada ”walaalaha ah xiriirka u jaraan Qadar.
Dadka ayaa is waydiinaya maxay uga joojin weyday in ay xasuuqa ka daayaan Somalida masaakiinta ah ee Muslimka ah.
Urur diimeedyada Carabta ee uu ugu weynyahay Salafiyiinta ayaa khalkhal geliyay Muslimiinta caalamka ayagoo isticmaalaya lacagta saliida. Labadan urur diimeed ee Salafiyiinta iyo Akhwaanka ayaa dagaal isku mida kula jira Siiriya.
Hadase iyagii ayaa isku jeediyay xabada. Maaha markii ugu horeysay ee Sucuudiga iyo inta khaliijka kula jirta ee Imaaraadka, Baxrayn iyo Kuwait u jaraan xiriirka urur diimeed kale.
Arinta ugu weyn ayaa ah Qadar oo sheegtay in ayna colaysan doonin Iiraan oo ay jaar yihiin. Lama garan karo jawaabta Erdogan ka bixin doono maadaama ay isku urur diimeed yihiin Qadar iyo Xamaas.
Waxa laga dareemayaa suuqyada Qadar cunto yaraan maadaama cuntada ugu badan ay ka timaado Sucuudiga halkaas oo gawaadhi farabadan ka gudbaan maalin kasta.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS