X

Caydiid ilka-xanaf oo xilka qaadistii aqbalay muxuuse sheegay (daawo)

Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda sare Avv. Ceydiid C/llaahi Ilka-Xanaf ayaa aqbalay xilka qaadistii sharci darrada ahayd ee uu ku sameeyay madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud ka dib markii isaga iyo koox wasiiro iyo xildhibaano ah oo meeshiisa ah ay u tageen Xassan Sh Maxamuud ayna ka qaateen lacag laaluush ah.

Heshiiska laaluushka lagu kala qaatay ee Caydiid Ilka-xanaf ku aqbalay xilka qaadista sharci darrada ah oo xalay ka dhacay villa Soomaaliya, ka dib ayaa isla madaxtooyada dhexdeeda Ilka-xanaf oo shir jaraa’id ku qabtay wuxuu ku caddeeyay inuu xilka qaadista aqbalay isagoo ka dheeraanaya in  dalka Soomaaliya uu xilligaan galo qalalaaso siyaasadeed iyo mid dastuur.

“Dalka sharci ayuu leeyahay waa dhab, wixii sharciga yahay waa sidiisii, wax xaaraan ah anigu ma xalaaleynayo, hadaan danta dalka iyo dadka eegana aniga dhibaateyn maayo wax aniga igu saabsan dalka uma bur burayo, Shaqo aan jecleysanayo dalka dhibaato uma imaaneyso, qalalaaso siyaasadeed iyo mid dastuur inuu dalka ku yimaadana ma jecli”ayuu yiri Ceydiid Ilka-Xanaf.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.