X

Ciida oo lagu dhawaaqay

Waxa aakhir ku dhow bishii barakaysneyd ee Ramadaan ee Muslimiinta caalamku soo soomeen manta 29 cisho. Bishan kheyrka badan ee RABI umadiisa ugu deeqay ayaa waxa la soomaa 30 maalmood ama haddii la arko bisha ayaa  la soomaa 29 cisho.


Wadamo ay ku jiraan Sucuudiga oo caqiidadiisa ku faafiyay aduunka intiisa badan ayaa waxa la sooma Muslimiinta Yurub intooda badan maadaama uu maalgeliyo masaajida. Wuxuu sheegay in beri oo Salaasa ah ay tahay ciid.


 

Dhamaan waxan idin leenahay Ciid Mubaarak Muslimiinta Yurub oo beri oo Salaasa ah ay ciid u tahay. Somaliya ayaan weli wax wara ka soo saarin in beri Ciid tahay iyo in kale xilliga aan daabacayno warkan oo ah 7:30 fiidnimo ee waqtiga Somaliya.

Masjidka weyn ee London ayaa iyaguna ku dhawaaqay in Muslimiinta Ingiriisku ciidi doonaan berito oo Salaasa ah.

Wadamo iyagu arbacada ciidaya

Wadamo ay ka mid yihiin Indooniisiya, Malaysiya, Bakistaan, iyo Muslimiinta Ustaraaliya ayaa iyagu sheegay in ciidu tahay Arbacada oo bishu tahay 5 maadaama ay arki waayeen bishii.

ARAABINEWS

CIID MUBAARAK

admin:

This website uses cookies.