X

Ciidamada dawlada ayaa qarka u saaran in argagixisada ka xoreeyaan magaalada Baardheere ee wabigu maro

Ciidamada dawlada iyo kuwa Amisom ayaa qarka u saaran in ay argagixisada shabaab ka xoreeyaan magaalada wabiga Jubba maro ee Baardheere. Weerar ay saaka qaadeen ayaa u socda sidii loogu talogelay iyadoo argagixisadu ka xamaan guratay magaalada.

Waxaa deeganka Juungal ee gobolka Gedo oo kaabiga ku haya degmada Baardheere ka bilowday Khasaaraha waxuu marayaa inkabadan 35 dhimasho oo labada dhinac ah, halka dhaawacana uu intaa kasii badan yahay.

Gaari uu saarnaa qori suug ah ayaa lagala wareegay argagixisada shabaab inta uu dagaalka socday, waxaana sidoo kale laga furtay inkabadan 12 qoray nooca A47.

Wararkii ugu dambeeyay ee Saaka halkaasi laga helaayo ayaa sheegaya in si xun loogu jabiyay dagaalka argagixisada shabaab oo kolba sii ordayaan inkastoo ciidamadu wali gaarin Baardheere.

Tuulada Juungal waxaa hadda si buuxda gacanta ugu haya ciidamada Dowlada oo garab ka helaaya kuwa Ethiopia.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS.COM

admin:

This website uses cookies.