Muqdisho-War ay sii daayeen nabadsugida ayaa lagu sheegay in ay la wareegeen huteel naasnuujinayay argagixisada shabaab iyadoo huteelka lagu qabtey argagixiso hurdey oo qorsheyaal xasuuq maleegaya.
Hoteelada ay xireen Ciidamada Qaranka ayaa waxa ay kala yihiin Kismaayo 1 iyo Kismaayo 2, kuwaasi oo ku dhexyaalla Suuqa weyn ee Bakaaraha.
Inta ay Ciidamadu ku guda jireen Howshooda ayaa waxa ay gacanta ku dhigeen Sargaal weyn oo ka tirsanaa Alshabaab kaasi oo la sheegay inuu ahaa Taargeet-ka Hoteelka loo wajahay.
Afhahayeenka Wasaaradda Amniga Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in Sarkaalka laga dhex qabtay gudaha Hoteelka mudo labo Bil ayuu daganaa halkaan Ninka la qabtay, waxa uu ka yimid Xeryaha Qaxootiga Kiiniya ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Ammniga.
Waxaa sidoo kale Ciidamada Nabad Sugidda ay Xabsiga Dhigeen Mulkilihii Hotelka iyagoona la Wareegay Labo Hutel oo kala ah Kismaayo1 iyo Kismaayo 2.
Hawlgalka Ciidamada ay ka sameeyeen Suuqa Bakaaraha ayaa sidoo kale lagu qabtay ku dhawaad 100 Dhalinyaro ah kuwaasi oo baaritaano ay ku socdaan.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS