X

Ciidamada Galmudug ee maamulka Cadaado oo weerar ku qaadey isbaaro taalay duleedka degmada

Ciidamada Galmudug ee maamulka Cadaado ayaa weerar ku qaadey isbaaro taalay duleedka degmada. Dagaalka ayaa socdey muddo 30 daqiiqo ah sida lagu soo waramayo.

Inta la xaqiijiyay hal Askari ayaa ku dhaawacmay Weerarkaasi, waxaana ciidamada Galmudug ay cagta mariyeen Isbaarooyinkii badnaa ee yaallay duleedka Magaalada Cadaado.



Ciidamada ayaa sidoo kale sI buuxda ula wareegay dhamaman goobihii ay Isbaaradu taallay.

Madaxweynaha Maamulka Cadaado ee Galmudug ayaa horay u sheegay in Galmudug aysan aqbali doonin in dadka Shacabka ay dhibaateeyaan Maleeshiyaad hubeysan.



Inta badan waxaa lasoo Afjaray Isbaarooyinkii yaallay inta u dhaxeysay Cadaado iyo Gaalkacyo.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.