X

Ciidamada Jabuuti oo hawl loo baahnaa gacan ka gaystey : SAWIRO

Ciidanka Militariga Jabuuti ee qaybta ka ah Amisom ayaa hawl loo baahnaa gacan weyn ka gaystey iyago isticmaalaya gaadiidka qaada ciidamada iyo kuwa dagaalka ee loogu talogalay in lagu tuirtiro argagixisada.

Duqa Magaalada Baledweyne, Cumar Aadan Ibraahim (Cumar Baadiyow), ayaa sheegay in boqolkiiba sagaashan (90%) ay fatahaaduhu waxyeeleen xaafadaha kala duwan ee Baledweyne.

Ciidanka Jabuuti, ayaa iyagoo taasi ka duulaaya waxay u gurmadeen dad fara-badan oo looga dhex tagey Xarunta Gobolka Hiiraan amaba awoodi kari waayay bixinta lacagaha gaadiidka.

Dadaalada gurmadka loogu fidiyay dadkan, ayaa waxaa sidoo kale ka qayb qaatay Ciidanka Xoogga Dalka, ee ka hawlgala gudaha Magaalada Baledweyne.

Dadka reer Baledweyne, ayaa waxaa isugu darsamay colaado iyo fatahaado, mana jirto wax jawaab ah oo Dowladda Somaliya ka bixisay.

Fatahaadaha ka jira Baledweyne, ayaa waxaa lagu sheegay kuwoodii ugu darnaa oo la soo dersa Magaalada, tan iyo wixii ka dambeeyay 1991-kii.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.