Ciidamada dalkaasi Sinigaal ayaa galay caasimada Gambiya ee Bajuul iyadoo la sheegayo in wadanku qaylinayo oo ay maqan tahay lacago iyo waliba ciidankii dalka oo aan meelna lagu ogeyn.
Ciidanka dalkaasi yar ee Gambiya ayaa hore u sheegay in ay daacad u yihiin madaxweynihii ka tagey ee Yaxye Jaamac oo hadda lagu sheegayo in uu galay dalkaasi Igwatooriya Gini.
Saraakiil u hadlay maaliyada ayaa sheegay in dalku kacay oo khasnadu madhan tahay.
Ciidamada Sinigaal ee gaaray caasimada ayaa dadka qaar soo dhaweeyeen iyadoo aan la ogeyn halka uu qabtey ciidankii dalku lahaa.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS