X

Ciidamada qaranka Liibiya oo jabiyay kuwo taabacsan Erduqaan

Ciidamada qaranka ee dalkaasi Liibiya ee hoos yimaada Jeneraal Khaliifa Xaftar ayaa jabiyay maleeshiyo uu tageero Erduqaan kadibna qabsaday magaalada Alshabaa oo u dhow xarun maleeshiyadu ku leedahay Qaryaan.


Ciidanka ayay u suurtagashay inay jabiyaan maleeshiyada markey dhulka soo dhigeen diyaarad aan la wadin oo Turkigu leeyahay kadibna diyaarado ku garaacay maleeshiyada.

Waxa la arkayay maleeshiyada oo ku cararaya gawaadhida jiibka ah. Qabsashadan ayaa imaanaysa ayaa maalmihii u dambeeyay ciidamada qaranku ay ka soo baxeen saldhigyo iyo tuulooyin u dhow caasimada.


Maleeshiyada uu taageero Erduqaan ayaa jooga keliya caasimada Tiriiboli iyo tuulooyin kale. Erduqaan oo looga amaan wayay inuu daayo muslimiinta dhiigooda ayaa raba inuu Liibiya ka dhigo sida Siiriya.


”Hadda waxaan cayrsanayaa maleeshiyadii Erduqaan kamana hadhayno ilaa aan dalka ka sifeyno. Ciidanka qaranka ee dalkaasi ee uu hogaamiyo Khaliifa Xaftar ayaa ka taliya inta badan dalkaasi Liibiya.

Rashiid Ceel;aanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.