X

Ciidamada xasilinta amniga Muqdisho oo ku dabajira hub uu qarsadey qabqable Qaybdiid

Ciidamada xasilinta amniga Muqdisho ayaa ku dabajira hub uu qarsadey qabqable Qaybdiid oo hadda lacag bilaasha ku qaata magaca aqalka sare ee aan loo baahneyn.

Howlgalkaan waxay ciidankaan ku raadinayaan sida naloo sheegay hub habeenkii xalay ahaa qabqable C/qeybdiid ku qariyey meel kamid ah degmadaasi.



Hubkaan waxaa ku jira qoryaha waaweyn, iyo sidoo kale kuwa dowladda ay mamnuucday in lagu wato magaalada Muqdisho.

Sarkaal ka tirsan Xasilinta ayaa inoo sheegay in xogtan ay hayeen, balse ay keeni la yihiin meesha hubka la dhigay, dedaal badanna ay wadaan.



Ciidanka xasilinta ee hub ka dhigista Muqdisho ayaa maalmahan xoojiyey howlgalka ay hubka ku uruurinayaan.

Dawlada ayaa dareensan in hubka ay haystaan qabqableyaashii Muqdisho ee maxaakiimtu eryatey laakiin soo noqdey xilligii Itoobiya timi Muqdisho ay halis ku yihiin amniga magaalada.

C/llaahi WArmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.