X

Ciidamada xooga oo u dhaqaaqay baacsiga argagixisada: SAWIRO

Ciidamada xooga ayaa u dhaqaaqay baacsiga argagixisada.

Dhaqdhaqaaqan ciidan ayaa wuxuu ka dambeeyay kadib markii sida la sheegay Saraakiil ka tirsan argagixisada lagu arkay deegaano ka tirsan Gobolka Gedo.



Jeneraal Saxardiid ayaa wuxuu sheegay ciidamada dowladda inay ku wajahan yihiin degaanada laga sheegay Saraakiisha argagixisada isaga oo intaasi raaciyay duqeymaha Mareykanka oo kordhay inay sababtay firxad xubno badan oo argagixisada ka tirsan.

Ciidamada Gobolka Gedo ku sugan iyo ciidanka jooga Jubbooyinka ayuu sheegay inay labada dhinacba wadaan dhaqdhaqaaqa ku aadan baadigoobka xubnahan Shabaabka ka tirsan.



Maalmihii la soo dhaafay ayaa warar soo baxay waxa ay sheegayeen xubno argagixisada ka tirsan oo Saraakiil ah in lagu arkay degaano iyo Degmooyin ka mid ah Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.