X

Ciidamadii Difaaca Puntland oo dhinaca Badda iyo Berrigaba ka gaaray deegaanadii ay qabsadeen argagixisada shabaab

Ciidamada Difaaca ee Puntland noocyadooda kala duwan, gaar ahaana ciidamadii ka soo kala baxay Boosaaso, Qardho, Gaalkacyo & Garoowe ayaa gaaray deegaanadii ay labadii maalmood ee lasoo dhaafay soo galeen kooxaha xagjiriinta ah, waxa ayna saaka waagu ugu baryey meelo kamid ah jiidaha hore ee ku aadan meelihii ay qabsadeen.

Saraakiil ka tirsan ciidamada oo uu la hadlay saxaafada waxay sheegeen in ay hadda ciidamadu dhaafeen Eyl, Jariiban & Beyla ayna doonayaan in ay tagaan meelaha ay kusugan yihiin kooxahaas.

Majiro wax iska horimaad ah oo ilaa hadda la sheegay, waxaana gaaray magaalada Eyl ciidamada Puntland oo ku yimid dhinaca Badda iyo berrigaba, sidaasna waxaa xaqiijiyey mid kamid ah Saraakiisha ciidamada Badda ee horay saldhiga ugu lahaa magaaladaas.

Gudoomiyaasha Godobjiraan iyo Bander Beyla waxay ka gaabsadeen in ay ka hadlaan dhaqdhaqaaqyada ciidamadu ka bilaabeen deegaanadooda waxa ayse sheegeen in ay hayaan xogo ah in ay Maleeshiyada Shabaab ka soo talaabeen meelihii ay shalay joogeen.

Deegaanka Been harsatay oo u dhaw Tuulada Kulub oo 9KM wax ka yar u jirta magaalada Garacad ayaa wararku ay sheegayan in ay xalay ka soo durkeen oo dhinaca Godobjiraan soo aadeen kooxahaas.

Sidaas oo kale deegaanka Garmaal ee gobalka Nugaal, gaar ahaana degmada Dangorayo hoos timaada dhankooda waxay sheegeen in ay ilaa hadda aaminsan yihiin in kooxihii qabsaday oo labu isku qeybiyey qeyb kamid ah ay u jiheysatay dhinaca degmada Eyl.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

 
admin:

This website uses cookies.