Wararkii u dambeeyay ee caawa naga soo gaaraya Boosaaso ayaa sheegaya in xaaladu kacsan tahay kadib markii ciidamo beeleed cadaalad xumo ka gadooday ay weerar ku ekaysiiyeen ciidan Butlaan leedahay.
Ciidankan xoogan ayaa jabiyay kii Butlaan kadibna gudaha u galay Boosaaso. Ugu yaraan hal ruux ayaa ku dhintay dagaalka, Sidoo kale Cisbitaalka Boosaaso waxaa lasoo gaadhsiiyey ugu Yaraan 3 Ruux oo dhaawac ah, kana tirsan Dhinacyadii ku dagaalamay Koontaroolka Laga soo galo magaalada Boosaaso.
Warar baxay ayaa sheegaya in Ciidamadaasi u gudbeen dhinaca Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada boosaaso. Beesha Cali Saleebaaan ee Majeerteen oo kamid ah Beelaha dega Gobolka Barri, ayaa mudooyinkii dambe saluug ka muujinaysay Butlaan. Waxaana Qaar kamid ah ay ku dhowaaqayeen inay Boosaaso maanta Xorowday.
Laamaha Amaanka Gobolka Barina kama aysan hadlin sida ay wax u dhaceen, Waxaana Bulshadu gobolku ay kacdoonka bilowday tan iyo markii Shirkadda Carabta ee Dubai world lagu wareejiyey dekedda Boosaaso.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS