X

Ciidamo booliisa oo ku fashilmey inay soo xiraan wasiir ku xigeenka arimaha dibedda

Ciidamo booliisa ayaa ku fashilmey inay soo xiraan wasiir ku xigeenka arimaha dibedda dawlada Somaliya Mukhtaar Mahad Daauud oo lagu eedeeyay musuq maasuq baahsan.


Ciidamo ka socda booliiska oo watey gaari ayaa aaday xarunta wasaarada arimaha dibedda si ay u soo xiraan wasiirka loo lagu eedeeyay musuq. Markii wasiirka loo geeyay warqada lagu xirayo ayuu ka didey inuu raaco.

Waxa markiiba xarunta soo galay ilaalada wasaarada arimaha dibedda oo diidey inay kaxeeyaan ayagoo saari rabay gaari ay xabadu karto.


Ugu dambeyn waxa goobta yimi taliyaha ciidanka booliiska oo goobta ka saaray ciidankii u yimi inay wasiirka soo xiraan ama makamada u horgeeyaan.

Fowdada amar diidada ee ka dhacdey goobta ayaa aad looga hadal hayaa magaalada oo mar dhaweyd la xasiliyay sida uu sheegay wasiirka arimaha dibedda.

Nin siyaasada indha indheeya ayaa qaba in Itoobiya ku jirto isbedel aanwelli saldhigin, waxa maanta ka dhacay Jigjigana uu yahay tijaabo oo la sugayo inay ku xigto maamulka Oromada.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.