X

Ciidamo gadoodsan oo la wareegay bangi Puntland leedahay oo Gaalkacyo ku yaal

Ciidamo gadoodsan ayaa la wareegay bangi Puntland leedahay oo Gaalkacyo ku yaal. Dadka deegaanka oo daawanaya sida arintani u dhacayso ayaa sheegay in ciidamadu yihiin kuwa Puntland oo Cabdiwelli Gaas bilaa mishahar dhigey waa sida nin goobjooge hadalka u dhigey.


Ciidanka ayaa xataa xirey wadada aada Woqooyiga Gaalkacyo. Magaalada ayaa waxa ka arimiya laba maamul jufeed oo mararka qaar kala xirta magaalada iskuna soo roga cashuuro.

Saraakiisha Puntland ayaa sheegay in ciidamadu galeen bangiga manta barqadi ayna joojiyeen dhamaan shaqadii socotey. Lama sheegin inay bililiqaysteen hantida taala.


Maaha markii ugu horeysay ee ciidamo ka tirsan Puntland ay qabsadaan bangiga si ay xaqooda u helaan. Cabdiwelli Gaas ayaa dalbadey in ciidanka qaranka loogu daro sadex kun si ciidamada u helaan mishahar.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.