X

Ciidamo ka socda Nayjeeriya oo hadda booliis u noqdey Muqdisho iyo kuwo cusub oo maanta soo degay: SAWIRO

Nayjeeriya oo ah wadamada ugu musuqmaasuqa badan aduunka ayaa soo dirty ciidamo bedela kuwii hore u joogey. Saraakiil cusub oo ka kooban 140-sarkaal oo Police ka dalka Najeeriya ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho si ay ugu biiraan dadaalada Howlgalka AMISOM ee laga sameenayo Soomaaliya.

Saraakiishaan cusub ayaa badal u noqon doona saxiibadooda oo howlgal hal sano ah ku gutay magaalada Muqdisho.

Taliye ku xigeenka Police Christine Alalo ayaa amaanay doorka ay ciyaarayaan ciidamada Najeeriya ee iyagu ka howlgalaya Soomaaliya.

Christine Alalo ayaa shaaca ka qaaday in saraakiishaan ay la shaqeen doonan booliska Soomaaliya ayna shaqeen doonan maalin iyo habeen dadaalka loogu jiro adkeen amaanka caasimada.

C//llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.