X

Ciidamo ka soo goostey Puntland oo uu soo galay dhinaca Khaatumo State

Ciidamadan oo ka soo jeeda gobolka Bari ee dalka Soomaaliya ayaa gaadhay magaalada Boocame ee gobolka Sool, halkaasoo ay ku soo dhaweeyeen madaxda Khaatumo gaar ahaan Madaxweyne ku xigeenka Mudane Abdulle Ali Haybe,

Waxana wararku sheegayaan in ciidankan oo ka tirsanaa kuwa Puntland ay ka soo jeedaan beesha Ahmed Harti {Dashishe}, ayadoo soo dhaweyn iyo marxabeyn marti soor loo sameenayo maanta.

Ciidankan ayaa wararku sheegayaan inay ka soo gadoodeen cadaalad xumada iyo maamulka liita ee ka jira Garoowe kaasoo awoodiisa ay leexsadeen beesha Maxamuud Saleemaan oo isku kala bedbedala.
Beesha Ahmed Harti oo ah tan ugu tunka weyn magaalada Boosaaso ayaa sidoo kale ah lafdhabarta ganacsatada maamulkaasi ku faano, balse waxay ku dulman yihiin maamulka inta badan ay isku dhiidhiibaan rag isku qoys ahi.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.