Ciidamo ka tirsan maamulka Puntland ayaa sameeyay gadood waxana booqdey masuuliyiin ka tirsan maamulka Puntland oo uu horkacayo Wasiirka Xanaanada Xoolaha Puntland Saciid Cismaan (Physics). Ciidamadan ayaa xero ku leh deegaanka Jimbac oo ka tirsan gobolka Bari.
Ciidamadaas deegaanka Jimbac ayaa waxaa ay ka cabanayaan mushaar la’aan, waxaana dhawaan ay kasoo baxeen deegaanka Af-urur ee Gobolka Bari oo ay saldhig ciidan ku lahaayeen.
Ciidankan ayaa hor jooga argagixisada Daacish oo ku jirta buuraha gobolka Bari ayagoo hub iyo saanad ka hela dalkla burburey ee Yaman. Saldhigii ay Ciidamadaas kasoo baxeen ee Af-urur ayaa waxaa la wareegay cutubyo katirsan ciidamada Puntland oo mararka qaar sameeya howlgal ay ku baadi goobayaan dhiigmniiratada Daacish.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS