Ciidamada Milatariga iyo Nabad sugida Soomaaliya ee gaaray deegaanada lagu dagaalamay ayaa ku guulaystay in ay kala dhax galaan labada maleeshiyo beeleed ee ku dagaalamay deegaano u dhow Maxaas.
Deegaanadan ayaa shalay waxaa dagaal khasaaro dhimasho iyo dhaawac sababay ku dhex maray labo maleeshiyo beeleed , waxaana amar kasoo baxay taliyaha milatariga lagu faray talisyada ciidamada 21-aad iyo 27-aad in ciidamo geeyaan deegaanada lagu dagaalamay.
Maaha markii ugu horeysay ee maleeshiyo isku haysta dhul daaqsimeed ayna hore u deganayn ay ka dhacaan gobolka Hiiraan.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS