X

Ciidamo si aada u tababaran oo la dejiyay Garoonka Gaalkacayo iyo ujeedada

Waxa xalay garoonka Gaalkacayo qaybta Puntland loo ogolyahay in ay maamusho ka degay ciidamo aad u tababaran oo Maraykanku Somalida u tababaro oo loo yaqaan DANAB.

Sida ay sheegayaan wararka ciidamadan ayaa fariisin ka sameystay qeyb ka mid ah garoonka diyaaradaha Gaalkacyo ee ay maamusho Puntland.

Dadka ku nool Gaalkacyo ayaa hadal haya ciidamada dul degay garoonka diyaaradaha Gaalkacyo, lamana oga ujeedkooda.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamadan ay ka howl galayaan deegaanada Mudug, si ay howl gal uga fuliyaan Koofurta Mudug ee ay ku xooggan yihiin Al-Shabaab.

Howlihii duulimaad ee garoonka diyaarada C/llaahi Yuusuf ee Gaalkacyo ayaa saaka hakad ku jira, iyadoo maalmihii la soo dhaafay la sheegay inay gaabis ahaayeen diyaaradihii imaanayay garoonka.

Ciidamada Danab ayaa waxaa tababara Mareykanka, waxaana horay howl gallo wadajir ah ay la fuliyeen Ciidamo Mareykan ah deegaano ka tirsan Koofurta Soomaaliua.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay maamulka Puntland oo ku aadan Ciidamadan sida gaarka ah u tababaran ee xalay ka degay garoonka diyaaradaha Gaalkacyo.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.