X

Ciidan gadoodsan oo qaybo ka mida Beledweyne arbushaya iyo sababta

Wararka aynu ka heleyno Xaafada Xaawo-taako Ee Bariga Magaalada Baledweyne ayaa sheegaya in halkaasi ay Goor dhow la Wareegeen Ciidamo Gadoodsan oo Boolis ah.


Waxaana la sheegay in Ciidamadaani Qabdasaday Xaafada Xaawa-taako ay ka Cabanaayaan Mushaar la’aan Heysata Iyado ay Sheegeey in Mudooyinkii Dambe aysan Qaadan wax Mushaar ah.

Madaxweynaha Cusub ee Soomaaliya ayaa balan qaaday in aysan dhici doonin in mushaar la’aan uu ahaado Askariga u shaqeeya dowlada ee sugaya amaanka.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.