Ciidan ilaalo ayaa la wareegay amniga musharax C/raxmaan Ciro. Ciidanka ayaa gurigiisa si gaara loogu soo daadiyay ayadoo lala soconayo goobaha uu tagayo. Talaabadan ayaa dad badan u fasirteen in C/raxmaan Ciro si xun u garaacay Muuse Biixi kuna guulaystey doorashada.
Dadka ayaana garanayn in si kale loogu wareejin karo ciidanka Ingiriisku u tababaray la dagaalanka argagixisada. Gudiga doorashada maamulka Somaliland ayaa la filayaa inay shaaciyaan tirada guud usbuuca soo socda ama aakhirka usbuucan.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS