X

Ciidan kale oo Turkiga lagu soo tababaray oo Muqdisho ka soo degay: SAWIRO

Taliyaha ciidanka qaranka iyo dhamaan wasiirada iyo qaybaha kale duwan ee cidanka ayaa garoonka Muqdisho ku soo dhaweeyay ciidan Somali ah oo si aada u tababaran oo Turkiga lagu soo baray siyaabaha kala duwan ee ciidanka.

Cutubkaan ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Danab, ayaa Tababarka ay kusoo qaateen Turkiga waxuu socday Muddo Sanad ah, waxaana muddadaasi la baray Habka dagaalka iyo Xirfadaha kala duwan ee Ciidanka.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe oo la hadlay Ciidanka Tababarada kusoo qaatay dalka Turkiga ayaa u mahad celiyay Dawladda Turkiga oo uu sheegay in yihiin kuwa kaalin weyn ka qaadanaya dib u dhiska Ciidamada Difaaca.
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumada Soomaaliya Mudane Xasan Maxamed cali ayaa sheegay in ciidamada tababarka kusoo qaatay dalka Turkiga looga baahan yahay in door muhiim ah ay ka qaataan Xorreynta dalka.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.