X

Ciidan muhiima oo dhul boob ku eedeeyay Maxamed Xuseen Rooble

Taliyaha ciidanka badda sareeye guuto C/xamiid Dirir oo la hadlay warbaahinta ayaa si adag uga hadlay dhul boob xaaraana oo uu ku kacay gunti giijiye Maxamed Xuseen Rooble oo maalmaha u haray raba inuu boobo qaranka.


Taliyahan aan waxba qarin ayaa sheegay inaan loogu hanjabayn xilbaa lagaa qaadayaa iyo sheeko noocaasa, inta uu booska joogana aanu ogolaanayn in la boobo hantida ciidanka qaranka iyo ta shacabkaba.


”Runtii waa arin qof kasta ka naxo marka aad maqasho hantidii ciidanka qaranka ayaa la boobayaa bal kuwii kale aragnaybee ayuu yiri Cali Calasow. Muqdisho boqolkiiba 30 waxay ahayd dhul dawladu leedahay.


Hoos ka daawo

”Waa nasiib daro ah in madaxdii ugu saraysay qaranka ay boobayso hantidii ciidanka qaranka kana dhiganayso meelo lagu raaxayso ayuu yiri taliyaha oo u xilsaaran ilaalinta kheyraadka baddeena.



Gunti giijiye Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku xirtey 30 jir 3o milyan waxana muuqata in heshiis lagu noqday dhismahan ayuu qabaa Xuseen Warsame. ”Waa fadeexad aad u xun ayuu yiri Xuseen Warsame mana eryi karo taliyahan. Maxamed Xuseen Rooble waa shaqsigii ugu liitey ee Somali soo mara kana madhan waxa dawladnimo la yiraa.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.