Ciidanka amniga Masar oo ku jira foojignaan dheeraada maadaama argagixiso ka taliso dalka burburey ee Liibiya ayaa toogasho ku dilay dalxiisayaal u dhashay dalkaasi Migsiko goob ay dalxiisayaashu ku badan yihiin laakiin argagixisadu sheegatay in ay joogaan oo ku dhow xadka Liibiya.
Toogashada ayaa dhacday shalay axadii kadib sida la sheegay dalxiisayaasha oo galay goob la madnuucay laakiin aan la garanayn cida gaysay. Waxa iyana goobta lagu dilay laguna dhaawacay dad u dhashay Masar oo laga yaabo ah kuwii la socday.
Wasaarada amniga ayaa sheegay in ay magacowdey guddi soo baadha dilkan folxumada ah. Masar ayaa waxa hadda ka dhaca qaraxyo ay gaystaan argagixisada caalamiga ah ee xalaashatay dhiiga muslimiinta ee Daacish iyo kuwa magacyada badan leh.
Dalxiisayaashan ayaa lagu toogtey goob saxare ah laakiin ay ku yaalaan goobo qadiimi ah oo dadku soo arkaan loona yaqaan Wahaat.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS.COM