X

Ciidanka Asarbajaan oo ku tukaday masjidka magaalada Agdaam markii u horeysay 30 sano

Ciidanka xooga dalkaasi Asarbajaan ayaa markii ugu horeysay muddo sano ah ku tukaday masjidka weyn ee magaalada Agdaam halkaas oo maanta ciidanka oo ay galbinayaan aakarta Ruushku ay tageen.


Agdaam ayaa ka mida magaalooyinka ku soo noqdey gacanta Asarbajaan muddo 30 sano ah markii ay ka qixiyeen ciidanka Armiiniya oo Ruushkii hore taageerayo.

Ciidanka xooga dalka Asarbajaan ayaa hilfaha u qaaday ciidanka Armiiniya oo haystey hub ku filan oo ay isku difaacaan laakiin waxay iska celin kari waayeen diyaaradaha aan is wadin ee Asarbajaan ka soo iibsatey Turkiga iyo Israaiil.


Hoos ka daawo masjidka oo markii ugu horeysay dib looga eedaamay xilli dadkii laga qixiyay degmada oo ku dhow 150 kun ay hadda gaarayaan 230 kun oo qof.


Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.