X

Ciidanka asluubta oo faahfaahiyay weerar argagixiso ku dishey shacab

Waxa maanta qarax uu ka dhacay magaalada Muqdisho kaas oo ka dhacay xaafada Hodan ama inta u dhaxaysa K4 iyo tarabuunka oo hadda ay degan yihiin dad barakacayaala. Taliye u hadleyciidanka asluubta ayaa sheegay in askar ku dhaawacantey weerarkaas fuleynimo.


Waxana ku dhintey qof shacaba oo wadada iska lugeynaayay. Waxa caadiya in dhiigmiiratadu ay beegsato dadka shacabka oo ay ku jiraan dad sida fiican u labisan ama xataa kuwa iska fadhiya maqaaxiyaha ee shaaha cabaya.


Dhiigmiiratada ayaa sheegtay isla markiiba inay iyagu aaseen miinada sida muuqatana daawanayeen inta ku dhimata iyo inta badbaada.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.