X

Ciidanka booliiska Siilaanyo oo maanta diyaar u ah in ay arbushaan shirka Kulmiye garabka Samaale maxaase xiga

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Iyadoo la filayo in garabka Siilaanyo ee xisbiga Kulmiye uu qabsado shir ay ku dooranayaan gudoomiye iyo ku xigeen ayaa dhinaca kale waxa booliiska Siilaanyo isku diyaarinayaan in ay arbushaan oo kalas diraan garabka kale ee uu hogaamiye isla Muuse Biixi inadeerkii ninka lagu magacaabo Samaale oo Xirsi Tooriile ku taraxo.

Siilaanyo ayaa xisbiga gudmoomiyihiisa u xirey Muuse Biixi iyo Saylici inkastoo Saylici uu weerar ku hayo Xaglatoosiye lagana yaabo haddii doorasho dhacdo in uu kursiga kaga guuleysto.

Si kastaba ha ahaatee muranka xisbiga Siilaanyo ayaan la garanayn sida uu ku dambeyn iyadoo laga saadaaliyay in uu burbur ku dambeeyo haddii uu iman waayo tanaasul. Waxa jira balanqaadyo ay xubnaha musharaxiintu siinayaan xubnaha ku jira ururka si ayna u tagin xarunta xisbiga.

Isbahaysiga mushaxariinta garabka Samaale ayaa shalay shir ay qabsadeen kusoo bandhigey awooda ay leeyihiin iyo in ay haystaan dhamaan xubnaha ku jira golaha dhexe ee Kulmiye. Xisbiga Kulmiye ayaa u xiran labada jufood ee Isaaq ee Habar Awal iyo Habarjeclo.

La soco waxa dhaca saacado yar kadib.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS.COM

admin:

This website uses cookies.