X

Ciidanka Ciraaq oo ku dhow inay argagixisada Daacish ka sifeeyaan caasimada gobolka Anbar ee Ramaadi

Ciidanka Ciraaq oo isticmaalaya khidad cusub ayaa hareereeyay argagixisada Daacish magaalada Ramaadi oo magaalo madax u ah gobolka Anbar ee xadka la leh Suuriya. Ciidanka oo wata hub casri ah ayaa diidey in ay argagixisada ka baxaan magaalada si ayna u tagin magaalo kale isla markaana xirey wadada kaliya ee ka baxayaan.

Argagixisada Daacish ayaa Ramaadi ku qabsatay si dhibyar kadib markii ciidankii Ciraaq oo hub iyo awood lahaa u soo baneeyeen magaalada iyadoo ay jirtey is aamin la’aan.

Ramaadi oo ay deganaayeen dad ku dhow hal milyan ayaa argagixisadu barakicisey dadkaas oo muddo ku rafaadsanaa magaalada agteeda ayaa markii dambe loo ogolaadey in ay Baqdaad soo galeen.

Ciidamada Ciraaq ayaa sheegay in hadda argagixisadu isku urursatay bartamaha magaalada iyagoo dadka uga digey in ay magaalada ku nagaadaan.

Rashid Ceelaanyo

ARAABIUNEWS.COM

admin:

This website uses cookies.