X

Ciidanka dawlada oo baacsanaya urur diimeedka sheegta Ahlu sunna

Ciidanka dawlada iyo kuwa Galmudug ayaa baacsanaya urur diimeedka sheegta Ahlu sunna degmada Guriceel oo dhawaan looga baxay. Ciidanka ayaa shalay gebi ahaanba ka eryaday degmada waxase dhacday in xalay lagu arkay qaybo ay welli ku dhuumanayaan.


”Waxa beri subax noo qorshaysan inaan ka eryanayo goobaha ay caawa ku dhuumanayaan ayuu yiri afhayeen u hadlay ciidanka dawlada. Waxa irey dhimasho u badnayd dhinaca urur diimeedka Ahlu sunna.

Dhimashada ilaa hadda la xaqiijay ayaa gaaraysa ilaa 10 labada dhinac waxase dhici karta in geeridu intaas ka badato maadaama dhaawac badan uu jiro.


Dagaalkan ciidanka dawladu ku qaaday Guriceel ayaa imaanaya ayadoo laga fursan waayay kadib markii urur diimeedku dabada geliyay jufo ahaan degmada.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.