Dhuusamareeb–Ciidanka xooga dalka Somaliya oo waday maxaabiis ka titrsan argagixisada shabaab kuna socday Dhuusamareeb oo dhexda loo galay iyo dagaal ka dhacay deegaan lagu magacaabo Oodweyne oo ka tirsan Galguduud.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in Dagaalka uu bilowday ka gadaal markii Ciidamada xooga dalka soo qabteen Maxaabiis laga soo qabqabtay Maleeshiyada Alshabaab kuwaasi oo dhexda u galay Ciidamada xili Maxaabiistaasi laga soo ka xeeyay Degmada Ceelbuur kuna sii jeeday Degmada Dhuusamareeb.
Cabdi Cabdulle oo kamid ah Saraakiisha Ciidamada xooga dalka ayaa sheegay in Al-shabaab ay Jidka u galeen Ciidamadaasi balse ay iska Caabiyeen.
Waxa uu tilmaamay in Maleeshiyadu ay isku dayeen inay dagaal ku furtaan Maxaabiista, hayeeshee aysan u suuragalin.
C/llaahi Warmooge
ARAABINEWS