Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo Ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay Qarax Xoogan.
Qaraxa ayaa ahaa Miinada nooca lagu aaso dhulka taas oo lala eegtay Gaari ayaa la socdeen Ciidamada AMISOM Ee Magaaladaasi ku sugan.
Dad goob jooga yaal ah ayaa waxaa ay inoo xaqii jiyeen in qaraxaasi uu galaafta nolosha askar badan oo saarneeyd gaariga la qarxiyey.
saraakiil katirsan maamulka jubbaland ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhacay xaafada Fiya AF-Madoow oo ka mid ah xaafadaha magaalada iyagoona intaa raaciyey in ay hoolgal hada wadaan.
C/llaahiWarmooge
ARAABINEWS