Ciidanka xooga dalka ee Yaman ayaa soo riday diyaarad nooca bilaa bayloodka ah oo Maraykanku siiyay Sacuudiga si ay ugu xasuuqaan shacabka dalkaasi. Diyaaradan ayaa xilliga dhulka la soo dhigey isku dayaysay inay duqeyn ka gaysato gobolka Maarib.
Ciidanka xooga dalka ee Yaman ayaa isku dayaaya inay falaagada raacsan wahaabiyada Sacuudiga ka xoreeyaan gobolka Maarib, waxase duqeyn joogta ku haya diyaaradaha Maraykanku u wado Sacuudiga.
Maaha markii ugu horeysay oo diyaarad noocana laga soo rido argagixisada Sacuudiga ee barakicisay kumanaan reer Yamani ah dalkana ku haya cunaqabatayn joogta ah.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS