X

Ciidanka xooga dalka oo burburiyay saldhigyo argagixisadu lahayd: SAWIRO

Ciidanka xooga dalka ee ku sugan Jubbaland ayaa burburiyay saldhigyo argagixisadu ku lahayd deegaano hoostaga Kismaayo. Saldhigyada ayaa ku yaala meel hawd ah oo masaafo ahaan Kismaayo u jirta 50km.

Weerarka oo ahaa mid qorsheysan oo ay si wanaagsan u diyaariyeen ciidanka xooga dalka iyo kuwa maamulka Jubba waxaa cagta lagu mariyey saldhiggii argagixisada waxaana lagu gaarsiiyey khasaare ballaaran.


Ciidanku waxay halkaasi ku dileen tiro shabaabka katirsan, waxayna kusoo furteen hubka noocyadiisa kala duwan oo ay ku jiraan qoryaha garabka laga tuuro ee 7-ka.


Shalay oo ahayd Isniin ayey sidoo kale ciidamadu waxay howlgallo ka sameeyeen isla aagga degmada Jamaame, dadkii ku sugnaa deegaanada ay ciidamadu shalay gaareen ee Araare, Kobon iyo Muuse Xaaji waxay siiyeen raashin iyo daawo.
Ciidamadu intii ay howlgalka ku jireen waxay fashiliyeen oo ay soo saareen miinooyin ku dhow 20, kuwaasi oo la rabay in lagu dhibaateeyo dadka maatada ah.


C/llahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.