X

Ciidanka xooga dalka oo ku kacay talaabo aan looga baran iyo iyagoo weeraray iskood argagixisada shabaab hubna furtey

Cadale–Ciidanka xooga dalka Somaliya ayaa markii ugu horeysay ku dhaqaaqay talaabo aan hore looga baran iyagoo dagaal ku qaaday argagixisada shabaab ee deegaanka Masaajid Cali Guduud o ka tirsan Shabelaha dhexe kana furtey hub iyo agabyo kale. Argagixisada shabaab ayaa firxad kala cararay afkiina duubnaa iska furay.

Saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda ayaa sheegay in weerarkan oo ahaa mid qorsheysan ay Ciidamadu ku qaadeen deegaankaas oo Al-Shabaab saldhig u aheyd.

Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegaya in deegaanka ay lacago kaga qaadi jireen gaadiidka Al-Shabaab, isla markaana uu ahaa fariisinka kaliya ee canshuuro gaadiidka mara halkaas looga qaado.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.