X

Ciidanka xooga dawlada oo soo bandhigey meydad ay argagixisadu uga carartey Camaara

Kadib dagaal kooban oo shalay dhiigmiiratadu ku soo qaaday deegaanka Camaara eee gobolka Mudug ayaa argagixisadu uga carartey meydad horleh oo markii dambe ciidanku soo bandhigey.


Khasaaraha ugu badan ayaa waxa soo gaaray maleeshiyada deegaanka ee ka barbar dagaalamaysa ciidanka xooga oo u baahnaa in la qarameeyo kadibna la siiyo tababar xoogan.

”Su’aalaha soo noqnoqda ayaa ah maxay u dhacdaa in ciidanka markasta la gaado sidaasna rag badan uga dhintaan miyayna jirin hagidii lagu yaqaanay ciidanka ayuu yiri Cali Calasow.


Deegaanka Camaara oo shalay ay uga carareen meydad horleh ayaa maanta degan. Camaara ayaa ku taala marinka loo marayo degmada Xarardheere oo taliyaha ciidanka lugta noo sheegay inuu ka soo hadli doono.


Dhiigmiiratada meydka badan uga tagtey ayaa muujinaya in ciidanka xoogu haddii la sii habeeyo uu hanan karo xuduudaha dalka.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.