X

Ciidanka xooga oo ku sii jeeda Xaradheere iyo tuulooyin horleh oo ay la wareegeen

Wararka aan ka helayno aaga gobolka Mudug ee dhaca xeebta gobolkaas ayaa sheegaya in ciidanka xooga ee baacsanaya argagixisada inay hadda ku sii jeedaan degmada Xaradheere oo dhiigmiiratadu ka talinaysay muddo dheer.


Taliyaha ciidanka lugta oo la hadlay saxaafada ayaa sheegay inay hadda qabsadeen dhowr tuulo oo teedsan ilaa Xaradheere oo ayna arkin wax iska caabin ah. ”Markay na maqlaanba ooda ayay jabiyaan ayuu yiri taliye Biixi.

”Waxaan hadda gacanta ku dhigney tuulooyinka Miliqo, Dabagalo iyo Ceel Cabdi oo aan ka fogeyn Xaradheere oo ah xeebta gobolka Mudug. Deegaanadan ayaa in muddo ah ku noolaa silic iyo gumeysi.


Maalin dhow ayaa la filaayaa inay gaaraan Xaradheere oo hadda la sheegay in argagixisadu ka sii baxeen halka qaarkoodna wejiga furteen dadkana ka mid noqdeen.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.