Kadib xasuuqii gacan ku dhiigle Salmaan ka gaystey Sanca halkaas oo uu diley ilaa 180 ka tirsan dad aas u fadhiyay ayaa ciidanka Yaman gantaalo ku garaaceen Sucuudiga, gantaalkan ayaa ku dhacay goob u dhow Daaif.
Daaif ayaa wax yar u jirta magaalada barakaysan ee Makka waxayna leedahay taariikh gooniya. Gantaalaha ayaa lagu waday xero ciidan oo Maraykanka iyo Yuhuudu ku tababaraan askarta Sucuudiga ee ka qayb qaadanaya xasuuqa Yaman.
Sucuudiga ayaa soo bandhigey holoca gantaalka oo ku dhacay meel u dhow xerada ciidanka cirka. Waa markii ugu horeysay oo gantaalaha ciidanka Yaman oo reer galbeedka iyo Sucuudigu u yaqaan mucaaradka Yaman ay gaadhaan masaafo intaas leeg.
Lama sheegin waxyeelo ay gaysteen. Sucuudiga oo gacan ka helaya Maraykanka iyo Yuhuuda ayaa dagaal isaga u gooniya oo urur diimeed kula jira shacabka Yaman oo ay ka dhaxayso siyaasada xukunka.
Dhinaca kale gantaal lagu garaacay markab dagaal oo Maraykanku leeyahay ayaa ku sigtey in lagu dejiyo. Markabka ayaa marayay biyaha badda casqaasatan jidka bab al mandab oo Jabuuti u dhow.
Ciidanka Yaman oo uu hormood u yahay Cali Cabdalle Saalax ayaa wacad ku maray in ay toos u garaacaan Riyaad.
Qabiiladii aaska u fadhiyay ee Sucuudigu xasuuqey ayaa iyagu sheegay in ay hadda si fiican u raacsan yihiin dawlada Yaman ee ka dhisan dalka badankiisa aan ka ahayn Cadan oo burburtey.
Hoos sawirka waa aaskii Sucuudigu garaacay
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS