X

Ciraaq oo dalbatey ciidamadii Maraykanka ee Suuriya ka yimi inay dalka ka baxaan

Raiisal wasaaraha Ciraaq ayaa ku tilmaamay ciidamadii Maraykanka ahaa ee ka yimi Suuriya soona dalka Ciraaq ayagoo ogolansho haysan inay dalka si deg dega uga baxaan.


”Kumaanaan soo dhaweyn ee waa in qaramada midoobey wax ka qabataa xad gudubka Maraykanku ku sameeyay Ciraaq. Xadka Ciraaq iyo Suuriya ayaa meelo badan furan xilli argagixisadu joogtey.

Askartan Maraykanka oo intooda badan ka soo cararay weerarka Turkidu ku qaaday Kurdiyiinta Ayaan haysan wax ogolaansho. Wasiirka difaaca ee Maraykanka ayaa sheegay in askartaas sii marid ku joogaan Ciraaq oo ay dhoofayaan.


Raiisal wasaaraha Ciraaq ayaa qaramada midoobey ka dalbadey in laga saaro askartaas dalka. Waxase dadka badankiisu leeyihiin waxa dabada ka riixaysa Iiraan inkastoo Maraykanka laga nacay dhamaan Carabta aan ka ahayn Sucuudiga iyo gacanka kjaliijka kula jira.. Maraykanka iyo xulafadiisa ayaa burburiyay Ciraaq kadibna diley madaxweynighii dalkaas Sadaam Xuseen.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.